In ka badan 10 qof oo ku geeriyooday weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla dalka Austria

Inta la xaqiijiyay qof ayaa ku geeriyooday weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla dalka Austria, waxaana toogashadan oo lagu tilmaamay middii ugu xumayd taariikhda casriga ah ayaa la sheegay inuu fuliyay arday goobtaas horay wax uga baran jirey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gerhard Karner, ayaa sheegay in lix ka mid ah dadka la dilay ay dumar ahaayeen, halka saddexna ay rag ahaayeen, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan da’dooda.
Isbitaalka Graz ayaa markii dambe xaqiijiyay dhimashada qofkii tobnaad,Wasiir Karner ayaa intaas ku daray in ilaa 12 qof oo kale ay dhaawacmeen, ayadoo warbaahinta Austria ay sheegtay in dadkaasi ay arday u badnaayeen.
Booliiska ayaa dhankooda sheegay in la aaminsan yahay in toogashadan uu keligii fuliyay nin 21-jir ah ah oo u dhashay dalkaas, kaas oo meydkiisa laga helay gudaha goog musqul ah.