U bood dhigaalka

Maxay tahay canshuurta laga jaro mushaarka Shaqaaluhu, yay’se waajib ku tahay ?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo rogtay canshuur laga jarayo xaquuqda shaqaalaha, taas oo ah khidmad toos looga goynayo mushaarka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, masuuliyiinta Xukuumadda iyo Mudaneyaasha baarlamaanka, ciidamada qalabka sida, iyo shaqaalaha mashaariicda ay dowladdu maamusho.

Sharciga canshuuraha shaqaalaha oo dhowaan uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalku ayaa si faah-faahsan u qeexaya cadadka khidmooyinka laga jarayo shaqaalaha, waxaana suurta-gal ah in haddii hannaankan si buuxda loo hirgeliyo ay dowladdu awooddu u yeelato inay canshuurtan ka qaaddo muwaadin kasta oo mushaar qaata, taasoo xittaa keeni karta in qofka iyo ganacsigiisa midba gaar loo canshuuro.

Sida ku xusan xeerkan dadka mushaarkoodu u dhexeeyo $100 ilaa $500 oo doolar waxaa laga jarayaa boqolkiiba 6, halka intaas wixii ka badanna laga goynayo boqolkiiba 12, taas oo ka dhigan in qofkii $200 doolar qaata laga rabo $12 dollar.

Canshuurahani waa nidaam maaliyadeed oo ay dawladuhu ku qaadaan qayb ka mid ah dakhliga shaqaalaha si loogu maalgeliyo adeegyada guud sida caafimaadka, waxbarashada, amniga iyo horumarinta dalka.

Canshuurahan waxaa loo yaqaanaa “Income Tax”, waxayna leedahay Noocyo kala duwan oo haddaba ku xiran cadadka dakhliga qofka soo gala iyo qaabka mushaar bixinta ama xittaa sida xaquuqdaas uu shakhsigu ku mutaystay.

Canshuurtani waxay si toos ah u dhimaysaa cadadka mushaharka uu qofku qaato, balse waxay ka qayb-qaadanaysaa horumarinta adeegyada bulshada, inkastoo Soomaaliya haataan aysan muwaadiniintu adeegyo bilaash ah helin.

Si kastaba ha ahaatee canshuurahan laga jaro mushaarka shaqaalaha ayaa loo arkaa nidaam lagama maarmaan u ah dowladnimada casriga ah, balse waxay tillaabadani ku soo beegmaysaa xilli ay dadweynuhu saluug ka muujinayaan isbadelka iyo natiijada hormar ee laga dhaxlay canshuurta iibka iyo kuwo kale oo dhowaan la hirgeliyay.