Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo saaka si rasmi ah loo daahfuray
Sheeko:Waxbarashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo ay sanadkii 10-aad qaadayso dowladda Soomaaliya.
Imtixaanka ayaa sanadkan waxaa u fariistay 39,397 Arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada XFS.
Imtixaanka ayaa ka dhacaya deegaanada dalka oo dhan markii laga reebo Puntland, Somaliland, iyo meelaha ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab, waxaana sanadkan markii ugu horreysay warqadaha Imtixaanka lagu daabulay diyaaradaha ciidanka cirka si loo gaarsiiyo deegaanada fog fog .