U bood dhigaalka

Saameynta dhaqaale ee uu dagaalka Israaiil iyo Iiraan ku yeelan karo Soomaaliya

Israaiil waxay maalintii Jimcihii weerar ku qaaday dalka Iiraan, taasi oo la yaab ku noqotay inta badan dadka ku nool dunida gaar ahaan kuwa dunida saddaxaad.

Maxaa xilligan ku soo beegay weerarkan?

Israaiil iyo xulufadeeda uu hogaaminayo Mareykanka waxay muddo dheer ka fekerayeen in la weeraro Iiraan. Laakiin, garabka bidixda (liberal) ee siyaasadda reer galbeedka ayaa muddo dheer ka hortaagnaa xulufuda weerarka Iiraan. Taa bedelkeeda, kooxdan waxay aaminsanaayeen in la baabi’iyo awoodda dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Iiraan gaar ahaan saameynta ay ku leedahay Ciraaq, Lubnaan, Yemen iyo Suuriya.

Intaas ka sokow, arrimaha loo arkayo inay soo dedejiyeen weerarkan waxaa kamid ah dilkii hogaankii sare ee Xisbullah, dhaqaale xumida ka jirta dalka Lubnaan, dhiciddii xukunkii reer Asad ee Suuriya, isku xirnaasho la’aanta siyaasadeed ee Shiicada Iiraan iyo Ciraaq, dib u doorashadii Trump iyo sare u kaca saameynta xisbiyada xagjirka ah ee Yurub.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in weerarkan ujeedkiisu yahay in madaxda sare ee Israaiil ay doonayaan inay ku fashiliyaan wadahadalkii u socday Mareykanka iyo Iiraan, kaas oo ay suurtagal aheyd in uu kusoo dhammaado isfaham.

Dhanka kale, waxaa jira dad aaminsan in madaxda Israaiil ay weerarkan ku mashquulinayaan dadkooda maadaama aysan guul ka gaarin dagaalka ay kula jiraan Falastiin.

Sidee ayuu dagaalkan u saameyn karaa dhaqaalaha Soomaaliya?

Soomaaliya xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed lama lahan labada dal. Laakiin, dagaalkan wuxuu saameyn muuqata ku yeelan doonaa dhaqaalaha Soomaaliya sidii dhacday bilowgii dagaalkii Ruushka iyo Yukrayn.

Hasa yeeshee, saameynta waxay had iyo jeer ku xiran tahay xaddiga ay le eg tahay felcelinta Iiraan, taasi oo ka dhigaysa dagaalkan inuu daba-dheeraado iyo in waddamo kale ay ku soo biiraan dagaalkan, kadibna uu isku bedelo dagaalka saddaxaad ee dunida.

Haddaba, saddaxdan arrimood ayey noqon kartaa saameynta dhaqaale.

1. Sare u kaca qiimaha shidaalka iyo gaaska

Haddii uu dagaalka daba-dheeraado waxaa dhici doonta in uu aad u kaco qiimaha shidaalka iyo gaas ee Soomaaliya (qiyaasi ahaan boqolkiiba 40-60). Sababta waxaa weeye waxaa suurtagal ah in uu xirmo marinka Hormuz (strait of Hormuz) ee isku xira Gacanka Beershanka (Persian Gulf) iyo Gacanka Cumman (Oman Gulf), kaas oo ay maraan wax ku dhow boqolkiiba 30 shidaalka dunida. Marinkan waxaa aad ugu tiirsan waddamada shidaalka soo saara ee Carbeed.

2.Xiridda marinka Bababul Mandab- Sare u kaca maciishadda ee Soomaaliya

Dagaalkan wuxuu keeni karaa in Xuutiyiinta ay qalqal geliyaan marinka Baabul Mandab iyo Gacanka Cadan, kaas oo muhim u ah isku socodka ganacsiga dunida. Taasi waxay keeni kartaa in Soomaalida ay ku adkaato inay soo dejiyaan alaabaha ama ay dhoofiyaan. Taasi waxaa ka dhalan kara sare u kaco caymiska maraakiibta oo sabab u noqon doona sare u kaca maciishadda.

3. Hoos u dhaca dakhliga dawladda, lacagaha xawaaladda iyo mashaariicda hey’adaha caalamiga ah

Haddii uu dagaalkan daba-dheeraado wuxuu keeni karaa hoos u dhaca dhaqaalaha dunida. Sidaas darteed, waxaa hoos u dhacaya taageerada dhaqaale ee la siiyo dawladda Soomaaliya (dakhliga dawladda Soomaaliya) iyo lacagaha ay Soomaalida ka soo diraan dibedda (xawaaladda).

Sidoo kale, waxaa aad u yaraan doona mashaariicda hey’adaha caalamiga ah sidii dhacday bilowgii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.

Maxaa la gudboon Soomaalida?

Isbedelka hab fekerka siyaasadeed ee reer Galbeedka wuxuu dunida u leexiyey wadadii geyn laheyd dagaalka saddaxaad ee dunida, taasi oo keeni doonta in lagu kor dagaallamo waddamada tabarta yar gaar ahaan kuwa dhaca meelaha istaraatiijiga ah sida Soomaaliya oo kale ah.

Sidaas darteed, waxaa Soomaalida la gudboon:
b) Inay la socdaan is-xulufaysiga haatan ka dhismaya dunida oo ay isha ku hayaan BRICS iyo kan gobolka sababta oo ah dagaalkan wuxuu ugu dambeyntii dhexmari doonaa xulufada labada dal.
t) In dadka Soomaaliyeed lagu jiheeyo maalgashiga wax soo-saarka gudaha iyo abuuridda keyd dadwayne oo aad u xoogan
j) In haldoorka siyaasadda ee Soomaaliya ka heshiiyaan hab maamulka siyaasadda ee dalka gaar ahaan doorashada 2026.

Dhaqaaleyahan: Dr Axmed Qadar Cabdi Jaamac.