U bood dhigaalka

Gogashadii uu madaxweynuhu ku dhawaaqay oo maalintii labaad ka socata Muqdisho iyo siyaasiyiinta ugu waaweyn mucaaradka oo ka maqan

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha wada-tashiga Xukuumadda, Siyaasiyiinta, iyo hoggaamiyaasha bulshada, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka.

Shirkan oo uu maalintii isniin furay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa ka maqan inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii iyo ra’iisul wasaareyaaashii hore ee dalka.

Mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa shirkan horay shuruudo adag ugu xiray, balse maqnaashahooda ayaa u muuqda mid aan shirka saameyn ku yeelan.

Wakiillada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta diiddan shirkan ayaa sheegaya in aanu ahayn mid loo dhanyahay, sidoo kalena ajendeyaasha looga hadlaayi aysan caddayn, halka dowladdu ay sheegtay in gogoashu cid walba u furantahay.

Madaxweynaha Puntland oo dhowaan ka hadlay gogashan ayaa sheegay inaan waqtigan loo baahnayn shir keliya ku kooban talooyin la siinayo madaxda DFS, balse ay muhiimad tahay in si dhab ah looga wada hadlo xaaladda dalka, go’aamo wadar oggol ahna la qaato si dowladnimada loo badbaadiyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa saluug laga muujinayaa natiijada ka soo bixi karta shir ay hoggaamiyeyaashii ugu waaweynaa mucaaradka iyo maamulladii dowladda ka aragtida duwanaa ka maqanyihiin, balse qabashada ogoshadan ayaa loo arkaa tillaabo muhiim ah.