U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Muwaadiniinteeda kala baxaysa dalka Iran.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa fariin muhiim ah u dirtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran, gaar ahaan kuwa doonaya inay isaga soo baxaan dalkaasi sababo la xiriira dagaallada halkaas ka socda.

Qoraal ay safaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Iran ee doonaya inay ka baxaan dalkaasi la farayo inay la soo xiriiraan safaaradda si loo siiyo kaalmo iyo taageero ay ugu laaban karaan si nabad ah dalkooda Soomaaliya.

Fariintan ayaa ah mid degdeg ah oo lagu muujinayo walaaca dowladda Soomaaliya ka qabto xaaladda amni ee Iran iyo sida ay dooneyso in ay u badbaadiso muwaadiniinteeda. Safaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay lambarka telefoonka lala soo xiriiri karo oo ah: +905345933990.

Tani waxay muujineysaa doorka ay dowladdu ka qaadaneyso ilaalinta muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, iyadoo laga jawaabayo xaaladaha amni darrida ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe.