Madaxweynaha Soomaaliland oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee deegaannada Soomaaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad (Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiga Sare) ee Somaliland, kaas oo ay u fariisteen 40 kun oo Arday oo wax ka barta dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaanadaas.
Munaasibad kooban oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Ardayda u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ku ammaanay dedaalkooda iyo adkaysigooda. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa Ardayda ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan Imtixaanka isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.