U bood dhigaalka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiraya dagaalka Iran iyo Israa’iil

Golaha wasiirrada Arrimaha dibedda dalalka Iskaashiga Islaamka ayaa magaalada Istanbul ku yeeshay shir ku saabsan xiisadda u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, ayadoo dowladda Soomaaliya ay ka qeyb-gashay shirkaas oo qaadanaya muddo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran, iyadoo la filayo in laga soo saaro baaq wadajir ah oo ku baaqaya xabbad-joojin si looga hortago xasillooni darrada gobolka.

Dhanka kale Wasiir Soomaaliya Cabdisalaan ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la-yeesho dhiggiisa dalalka kale ee ka qeyb galaya shirkan, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada Islaamka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ay cirka isku shareertay, waxaana la rajeynayaa in dadaallada OIC ay horseedi doonaan xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.