U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay inay 13 xubnood oo Al-Shabaab ku dishay howlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan, ay sheegtay in lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xubnahan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal ayaa lagu beegsaday goob ay ku shirayeen, halkaas oo khasaare xooggani ka soo gaaray sida ay sheegtay NISA.

Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay in howlgalkaas oo ahaa mid qorshaysan ay la kaashatay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.