U bood dhigaalka

Muxuu yahay xariirka qarsoon ee Qatar iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo waxa uu ka dhigany ahay safarka Cirro ee Dooxa?

Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda dalka Qatar, ayadoo la filayo inay la kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ganacsato u dhashay dalkaas.

Dalka Qatar oo ka tirsan kwa ugu dhaqaalaha fiicacan Khaliijka Carabta ayaa muddooyinkii dambe si xowli ah u kordhiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ayadoo ku hoos gambanaysa maalgashi, iyo taageero siyaasadeed.

Xariirka Qatar iyo Soomaaliya ayaa aad u xoogaystay wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee sanadkii 2017-kii ka dhacday Soomaaliya, iyadoo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa dowlad-goboleedyadu si isdaba joog ah u booqdeen dalkaas.

Madaxda Dowlad-Goboleedyada Soomaaliyeed ee Booqday Qatar:

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) – Jubbaland:

Waxaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowr jeer booqday Qatar, ayadoo Socdaalladiisa la sheegay in ay la xiriireen taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo iskaashi amni, waxayna xogaha qaarkood tilmaamayaan in Qatar ay Jubbaland ugu deeqday mashaariic horumarineed iyo gargaar bini’aadannimo

Sidoo kale madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inay xilliyo kala duwan dalkaas booqdeen, sidoo kalena ay Muqdisho kula kulmeen saraakiil iyo dublamaasiyiin u dhashay Qatar.

Inkastoo Xariirka ay Qatar la leedahay dowlad goboleedyadu aanu u muuqan sida Imaaraadka haddana Dooxa sanadihii dambe waxay dadaal xooggan gelinaysay sidii ay iskaashi ula yeelan lahayd maamullada Qaarkood, iyadoo sidoo kale taageero xooggan siisa dowladda dhexe.

Si kastaba ha ahaatee Qatar iyo Imaaraadka ayaa u muuqda inay si weyn ugu hardamayaan gudaha Soomaaliya, ayagoo xariirro toos ah la yeelanaya dowladda federaalka, maamullada, iyo xittaa kooxaha dowladnimada diiddan ama dalalka deriska ah ee Soomaaliya sida joogtada ah u farageliya.