U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo ka digey ciidamada uu sheegay in laga qorayo deegaannada maamulkiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Magaaladda Garoowe ayaa sheegay inay jiraan dad ciidamo ka qoraya deegaannada maamulkaas, ayagoo aan Xukuumaddiisa oggolaansho ka haysan.

Deni wuxuu tilmaamay in dad laabtoobyo wataahi ay dhex wareegayaan magaalooyinka Puntland si ay ciidamo qarsoodi ah halkaas uga qoraan, asagoo ka dhigey in arrintaasi ay halis weyn abuuri karto.

” waxaa nasiib darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wataahi ay leeyihiin Puntland baan ciidamo ka qoranaynaa oo qarsoodi ah oo ay hadda meel kaa laabanayaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu haddii tilaabayo ka qaadi lahaa dadkaas ciidamada qoraya lagu fasiri doono cabburin, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay arrintan ka garsooraan.

Puntland ayaa horay ugu eedeysay siyaasiyiinta deegaannadeeda ka soo jeeda ee dowladda federaalka Soomaaliya ku jira inay ciidamo qoris ka wadaan deegaanada maamulkaas.