U bood dhigaalka

Munaasabado lagu xusayo 1-da Luulyo oo si heer sare ah loogu qabtay magaalooyinka waaweyn dalka iyo daafaha dunidaba

Munaasabado si heer sare ah loo agaasimey oo lagu weynaynayo 1-da Luulyo oo ah maalin qaran oo qeymo badan, islamarkaana laba astoomood oo midnimo iyo madax-bannaani ah u leh ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo Dhuusamareeb, Baydhabo, Nairobi, iyo qaarka mid ah dalalka kale ee afrika iyo kuwa reer Galbeedka ee jaaliyada Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Caasimadda Muqdisho fagaare weyn oo ku yaalla bartamaha jidka makka Al-karama waxaa isugu soo baxay kumannaan kun oo qof oo madax, saraakiil, bahda fanka, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada isugu jira, kuwaas oo si aan u horay loo arag u muujiyay maamuuska maalinta qaran ee 1-da luulyo.

Sidoo kale madaxda qaranka ugu sarraysa, guddoonka gobolka Banaadir, danjireyaasha dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah, iyo hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa xaflado waaweyn uga qeyb galay madaxtooyada qaran iyo goobo kale oo ka tirsan Muqdisho, waxaana calanka baluugga ah la saaray saacaddu markii ay gaartay 12-ka habeennimo ee saqda dhexe.

Dhanka magaalooyinka Garoowe, Kismaayo Dhuusamareeb, iyo Baydhabo madaxda dowlad goboleedyada deegaannadaas ayaa ka qeyb-galay munaasabado heer sare ah, ayadoo calanka si weyn kor loogu qaaday intii ay soo socdeen isku soo baxyadii ka dhacay magaalooyinkaasi.

Sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo boqolaal dad ahi ay ka qeyb galeen, inkastoo la sheegay in ciidamada nabad-gelyada ee dalkaasi meelaha qaar ay dadka dabaaldegaya is hor istaag ku sameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee 1-da Luulyo oo ku astaysan maalinta is raaca gobollada waqooyiga iyo Koonfur Soomaaliya, iyo madax-bannaanida Soomaalidii Talyaanigu gumeeysan jiray ayaa 65 sano ka dib haatan la xusayaa ayadoo wadajirka dowladnimadu ay wajahayaan xaalad nuglaasho ah.