Soomaaliya oo Uganda uga tacsiyeynsay shilkii diyaaradeed ee dhowaan Muqdisho ka dhacay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi ku aaddan shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka Aadan cadde u dirtay Dowladda iyo Shacabka Uganda
Maadaama militariga dalkaasi ay diyaaradda lahaayeen.
DFS ayaa sheegtay in
Geerida rakaabkii diyaaraddu ay astaan u tahay geesinimadooda iyo go’aankooda adkeysi leh ee ay ku garab taagnaayeen dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xasillooni iyo horumar waara.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqday inay si gaar ah u xusayaa ciidankii naftooda u huray nabadda, kuwaas oo ka mid ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Diyaaradda shilka gashay oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ayaa ka soo duushay garoonka ciidamada ee ballidoogle, balse markii ay ka soo degaysay gegida Aadan cadde ayay shil xun gashay, waxaana ka dhashay burbur iyo dab xooggan, ayadoo waxyeello nafeedna ay gaartay dadkii saarnaa duulimaadkan militari.