U bood dhigaalka

Bitcoin oo gaartay heerkii ugu sareysay taariikhda

Lacagta dhijitaalka ah ee ugu caansan dunida – Bitcoin – ayaa markii ugu horreysay gaartay halkii ugu sareysay iyadoo lagu kala iibsaday in ka badan $120,000 doolar.

Kororkan aan horay loo arag ayaa muujinaya kalsoonida sii kordheysa ee maalgashadayaasha dunida ku qabaan suuqyada cryptocurrency-ga, gaar ahaan tan iyo bilowgii sanadkan 2025.

Kororka qiimaha ayaa si gaar ah loola xiriirinayaa dib u doorashada Donald Trump oo lagu tirinayo taageere weyn oo xeer-deji ah oo u ololeeya xorriyadda lacagaha dijitaalka ah.

Isbeddelka siyaasadeed ee Mareykanka ayaa keenay in maalgashadayaal badan ay ku dhiiradaan gelinta lacagahooda suuqa Bitcoin iyo cryptocurrencies kale.

Sidoo kale, laga bilaabo  maanta , Aqalka Congress-ka ee Mareykanka ayaa bilaabay dood ku saabsan hindise sharciyeedyo cusub oo lagu casriyeynayo nidaamka maaraynta lacagaha dhijitaalka ah.

Hindiseyaashan ayaa la filayaa inay sharciyeyn dheeraad ah iyo ilaalin maalgashi u keenaan suuqa, taasoo suurtagal ka dhigtay in kalsoonida maalgashadayaasha ay si weyn u kacdo.

Dadka falanqeeya dhaqaalaha dijitaalka ah ayaa sheegay in haddii sharciyadan la meel mariyo, ay suuragal tahay in qiimaha Bitcoin uu sii kordho, maadaama ay suuqyada heli doonaan jawi sharciyeed oo hufan oo dhiirrigeliya maalgashiga.