U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gurmad gaarsiinayso gobolka Awdal oo abaaro ka jiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gurmad degdeg ah gaarsiinayso deegaanno ka tirsan gobalka Awdal ee cirifka waqooyi galbeed ku yaalla, halkaas oo abaar ba’ani ka jirto.

Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuuliyiin gobolkaas ka soo jeeda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan xaaladda nolosha ee dadka iyo duunyada ay abaarto saamaysay, ayadoo hoosta ka xariiqay in gargaar degdeg ah loo diro deegaanadaas.

Dhallinyaro is abaabulay oo tagey deegaannada ay abaartu ka jirto ayaa sheegay inay arkeen waxyaabo qaracan leh, islamarkaana nolasha dadka iyo duunyada ay halis ku jirto ka dib markii biyihii iyo baadkiiba ay gabaabis noqdeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay gargaarkaas u gaarsiin doonto Awdal maadaama Soomaaliland ay gacanta ku hayso gobolka, balse waxaa jira warar sheegaya in gurmadka dhinaca Jabuuti la soo marin doono.