U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlayaa kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madasha samata-bixinta ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta la yeeshaa siyaasiyiinta ku mideysan madasha samata-bixinta Soomaaliyeed oo ay hormuud u yihiin madaxdii hore ee dalku.

Sida ay xoguhu tilmaamayaan kulanka waxaa diiradda lagu saari doonaa qodobo xasaasi ah oo ay kamid yihiin dib-u-eegista Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka dalka oo kulmadii hore dhinacyada u dhex maray laysku mari-waayay.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dalku uu ku jiro xaalad kala guur ah iyo duruufo nabad-gelyo aad u adag, islamarkaana khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada qaarkood uu gaaray meeshii ugu xumayd abid.