U bood dhigaalka

Puntland oo sheegtay inay ku howlantahay qabashada markab labaad 

Maamulka goboleedka Puntland ayaa sheegay inay ciidamada Ilaalada xeebuhu ku guda jiraan howlgal ay ku qabanayaan markab labaad oo lagu arkay aagga Bareedo, kaas oo la tuhunsanyahay inuu hub sido.

Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Bareedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda filayaa qabashada markabkaas oo u eg kii ay Puntland horey gacanta ugu dhigtay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Puntland ay horay u haysay xogta maraakiibtaas oo ka soo baxay dalka Azerbaijan, islamarkaana ay sharci darro ku soo galeen xeebaha maamulkaas oo si weyn u diidan hab maamulka DFS.

Puntland waxay sheegtay inay tillaabo adag ka qaadi doonto maraakiibtaas oo ku soo xadgudbtay baddooda sida ay hadalka u dhigtay, balse lama oga halka ay xaaladdu ku dambayn doonto iyo sida gaadiidka caalamiga ah u saamayn doonto arrintani maadaama dowlad goboleed dalka ka tirsani oo maraakiibta oggolaansho ku xirayo.