U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Soomaalida Ingiriiska ku nool ugu baaqay inay dhigeen dibedbaxyo ka dhan ah kala goynta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska ugu baaqay inay sameeyaan bannaanbaxyo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada lagu taageerayo gooni u goosadka Soomaaliland ee ka socda dalkaas.

Qaar kamid ah xildhibaanada dalka UK oo Soomaaliland dalllaalo aqoonsi raadina u ah ayaa dalkaas ka wada olole ay dowladooda ugu qabcinayaan inay dowlad madax-bannaan u aqoonsato Soomaaliland oo in ka badan 34 sano dunida ka sugaysa aqoonsi caalami ah.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay ku doonayso inay dunida aqoonsi kaga hesho, ayadoo Hargeysa ay sanadihii la soo dhaafay xoogga saaraysay in warbaahinta dunida iyo shakhsiyaadka saamayn leh ee reer Galbeedka ay qadiyaddeeda si joogto ah uga faalloodaan.