Booliiska Soomaaliya oo gacanata ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu xaaskiisa si xun u jirdiley
Sheeko:Warar & Warbixino

Booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay degmada Deyniile ka fuliyeen ku soo qabtay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa si xun ugu jirdiley magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay in sida ugu dhqsaha badan caddaaladda loo horgeyn doono.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa loo haystaa jirdil aad u xun oo uu u geystay xaaskiisa oo lagu magacaabo Khadro Cabdullahi Maxamud, taasoo oo muuqaallo lagu soo duubay ay baraha bulshada si weyn ugu faafeen.
Ma ahan markii ugu horreysay ee ay booliiska Soomaaliya xiraan nin loo haysto jirdilka qof dumar ah, todobaad ka hor ayayna ahayd markii degmada Xamarweyne ay booliiska ka qabteen askari baraha bulshada ka soo muuqday asagoo haweenay u gacan qaadaya.