Soomaaliya iyo Switzerland oo kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo adeegyada Socdaalka iyo amniga

๐๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ถ๐ป๐๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑd๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐บ๐ป๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐๐ถ๐๐๐ฒ๐ฟ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ayaa ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ฎ๐ ๐ถ๐ถ๐ ๐ฑ๐ฎ๐ heshiis ๐ถ๐๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ถ oo ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐บ๐ป๐ถ๐ด๐ฎ ๐ซ๐๐ฑ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ.
Agaasimaha Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Cali Dhuxulowย iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha socdaalka iyo amniga dowladda Switzerland iyo masโuuliyiin ka kala tirsan hayโadaha cadaaladda, Arrimaha dibedda, iyo Khuburo farsamo.
Sidoo dowladda Switzerland ayaa Soomaaliya dhowaan ugu deeqday qalab loogu talo galay in lagu baaro dukumiintiyada socdaalka ee been abuurka ah, ayadoo laba dhinac ay isku afgarteen in layskaย kaashado tababaro wax ku ool ah iyo wada shaqeynta dhow ee ka dhexaysa labada hayโadood la xoojiyo.
Heshiiska ayaa waxaa ku jira dhismaha kaabayaasha adeegyada socdaalka iyo horumarinta karaanka shaaqaalaha, kuwaas oo xoojin doona aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya oo ah astaan qaran oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la xoojiyo sumcadda iyo kalsoonida uu ku leeyahay caalamka.