Soomaaliya iyo Switzerland oo kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo adeegyada Socdaalka iyo amniga
𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝗶𝗻𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱d𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗦𝘄𝗶𝘁𝘇𝗲𝗿𝗹𝗮𝗻𝗱 ayaa 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗶𝗶𝘅𝗱𝗮𝘆 heshiis 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶 oo 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗫𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Cali Dhuxulow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha socdaalka iyo amniga dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda, Arrimaha dibedda, iyo Khuburo farsamo.
Sidoo dowladda Switzerland ayaa Soomaaliya dhowaan ugu deeqday qalab loogu talo galay in lagu baaro dukumiintiyada socdaalka ee been abuurka ah, ayadoo laba dhinac ay isku afgarteen in layska kaashado tababaro wax ku ool ah iyo wada shaqeynta dhow ee ka dhexaysa labada hay’adood la xoojiyo.
Heshiiska ayaa waxaa ku jira dhismaha kaabayaasha adeegyada socdaalka iyo horumarinta karaanka shaaqaalaha, kuwaas oo xoojin doona aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya oo ah astaan qaran oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la xoojiyo sumcadda iyo kalsoonida uu ku leeyahay caalamka.