Dowladda Soomaaliya oo Faransiiska ku bogaadisay aqoonsiga Falastiin

Xilli dhowaan Faransiisku uu ku dhawaaqay inuu aqoonsanayo dowladda Falastiin, ayaa DFS waxay si weyn u bogaadisay tillaabadaas, ayadoo ku tilmaamtay mid taariikhi ah iyo mabda’ ku dayasho mudan.
War saxaafadeed afka Ingiriiska ku qornaa oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay ayaa lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqista taariikhiga ah ee mabda’a leh ee ay Jamhuuriyadda Faransiisku ku muujinayso rabitaankeeda ah in ay aqoonsato Dawladda Falastiin.
Tallaabadan muhiimka ah waxay ka dhigan tahay dib-u-xaqiijinta xaqa sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta ah ee aayo-ka-tashigooda iyo qarannimada madaxbannaanida, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya.
Soomaaliya waxay u aragtaa ku dhawaaqistan mid ku soo beegantay xilligeedii oo geesinimo leh oo gacan ka gaysanaysa is-afgaradka caalamiga ah ee sii kordhaya ee lagu taageerayo caddaaladda, nabadda, iyo xaqiijinta xalka labada dawladood”.