U bood dhigaalka

Odayaasha baladxaawo oo si kulul uga hadlay dagaalka ka socda magaaladaas

Odayaasha dhaqanka magaalada baladxaawo qaarkood ayaa si adag uga hadlay dagaalka iyo xiisadda maalmihii la soo dhaafay halkaas ka taagnayd, ayagoo dalbaday inaan mar dambe la jarin isgaarsiinta, islamarkaana la joojiyo dagaalka.

Sidoo kale Ugaaska guud ee beelaha deegaannadaas ayaa dhowaan baaq u jeediyay dhinacyada baladxaawo isku haya, balse laba ciidan ayaa u muuqda inay dhegaha ka furaysanayaan baaqyada waxgaradka ee lagu doonayo in xaaladda la dejiyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee baladxaawo ka imaanaya ayaa haatan ku waramaya inuu socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata maamulka Jubbaland oo dhowaan qabsaday xarunta degmada iyo saldhigga booliska magaalada.

Baladxaawo oo dadweyneheedii ay horay u barakeceen ayaa u muuqata furin dagaal siyaasadeed oo ay ku hardamayaan madaxda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, ayadoo aan shacabka cidina u tanaasulayn.