Dowladda Soomaaliya oo wadda dedaal lagu casriyaynayo dhaqaalaha iyo hannaanka maaliyadda dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka, islamarkaana lagu casriyaynayo adeegyada maaliyadda, ayadoo la kaashanayo Bankiga dhexe, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo ururrada ganacsi ee maxallliga ah.
Dhowaan waxaa magaallada Muqdishu lagu qabtay shir cilmiyeedka dhaqaalaha dalka, waxaana sanadkan lagu falanqeeyey xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka deyn-cafinta kadib, xasilloonida maaliyadda, horumarka dakhliga dawladda, iyo caqabadaha hor taagan kobaca dhaqaalaha.
Shirka waxaa ka qeyb-galay in ka badan 𝐬𝐨𝐝𝐝𝐨𝐧 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 oo ay ka mid ahaayeen:
. Wasaarado iyo hay’ado dowladeed
• Hay’ado caalami ah, sida Bangiga Adduunka
• Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (SBA)
• Ururka Xawaaladaha Soomaaliyeed
• Ururka Shirkadaha Amaahda Yar-yar (Microfinance Association)
• Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed
• Shirkadaha Caymiska Dalka
• Machadyada Cilmi-baarista
• Jaamacadaha dalka
• Cilmi-baarayaal iyo khubaro dhaqaale
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢, ayaa si rasmi ah shirka u furay, isaga oo soo dhaweeyay dhammaan ka-qaybgalayaasha Shir-Cilmiyeedka Siyaasadda Dhaqaalaha. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in waajibaadka Bankiga Dhexeay ka mid tahay soo jeedinta talooyin dhaqaale oo ku saleysan xog dhab ah (𝐞𝐯𝐢𝐝𝐞𝐧𝐜𝐞 𝐛𝐚𝐬𝐞𝐝), kuwaas oo qeyb ka noqda jihaynta dhaqaalaha dalka.
Dhinaca kale 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐚𝐫𝐮𝐮𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢, oo ah 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞, oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta sare ee ka qeybgalay shirka, ayaa ka hadlay muhiimadda uu shirka noocan ahi u leeyahay dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku boorriyey Bankiga Dhexe inuu sii wado dedaalkiisa la xiriira horumarinta siyaasadaha maaliyadeed ee dalka iyo inuu dedaal ku bixiyo sidii loo soo celin lahaa lacagtii dalka.
𝐃𝐫. 𝐀𝐰𝐞𝐲𝐬 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡, oo ka tirsan 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞, ayaa isna jeediyey khudbad muhiim ah, oo ku saabsan 𝐠𝐞𝐞𝐝𝐢-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, isaga oo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay daraasado cilmi ah lagusaleeyo siyaasadda dhaqaalaha dalka, si kor loogu qaado nolosha dadka.
Waxaa sidoo kale jiray dood cilmiyeedyo lagu falanqeeyay dhaqaalaha dalka, kuwaas oo dhex maray khubaro dhaqaale-yaqaan ah, ayadoo dood wadaag la qabtay intii uu shirku socday ayaa diiradda lagu saaray kaalinta 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧(𝐍𝐁𝐅𝐈𝐬) 𝐞𝐞 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐲𝐚𝐫-𝐲𝐚𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐮𝐰𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐌𝐄𝐬). Dooddan ayaa looga hadlay saartay sida hay’adahanay u xoojin karaan maaliyadda loo dhan yahay (𝐟𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐢𝐧𝐜𝐥𝐮𝐬𝐢𝐨𝐧) iyo helidda ilo maalgelin oo la awoodi karo.
Ayadoo dood cilmiyeed labaadna lagu falanqeeyay 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐲𝐦𝐚𝐡𝐚 – 𝐃𝐞𝐲𝐧-𝐂𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 (𝐏𝐨𝐬𝐭-𝐇𝐈𝐏𝐂) – Waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha iyo fursadaha la xiriira xasilloonida miisaaniyadda iyo joogtaynta dib-u-habaynta dhaqaale ee muddada dhoiw iyo tan fog, iyada oo si taxaddarleh loo maaraynayo haddii deyn la qaadanayo.
Gabagabadii, shirka waxaa si rasmi ah u soo xiray 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠 𝐚𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed, oo mahadcelin ballaaran u jeediyay dhammaan ka-qaybgalayaasha shirka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in talooyinka iyo nuxurkaka soo baxay shirka ay waxtar u noqon doonaan jihaynta siyaasadda dhaqaalaha dalka.