U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya dab xooggan oo ka kacay Suuq bacaad

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo saacado ka hor ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq bacaad, ayadoo khasaaraha ka dhashay uu sii kordhayo.

Dabkan oo lagu tilmaamay kii ugu xogganaa oo sanadahan ka kacay suuqaas ayaa sababay burbur xarumo, wuxuuna dabku ku faafay qeyb ballaaran oo kamid ah suuqa, gaar ahaan qeyb loo yaqaanno bacadlaha.

Goobjoogeyaal u waramay goobjoog news ayaa sheegay in dabka ay sababtay koronto, islamarkaana uu si xawli ah ugu fiday goobo ganacsi oo dhawr, balse markii dambe gaadiidka dab-damiska iyo dad iskaashanaya ayaa ku guulaystay inay xakameeyaan.

si kastaba ha ahaatee waa markii seddaxaad oo uu suuqan dab ka kaco, bishii Maarso ee sanadkii 2024-kii iyo bishii Febraayo ee sanadkan ayuu labadaba dab xooggani qabsaday isla suuqan, balse ma muuqdo wax qorshe ah oo ka hortagga musiiibadan loo dejiyay.