Ciidanka Itoobiya oo amar ku bixiyay in ciidanka dowladdu ay ka baxaan Baladxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacado ka hor saraakiil sar sare oo militariga Itoobiya ka tirsani ay halkaas booqdeen, kuwaas oo la kulmay guddoomiyaha degmada iyo masuuliyiin kale oo dhinaca maamulka Jubbaland ah.
Saraakiishan oo la socday diyaarado militari, islamarkaana aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, ayadoo amar ku bixiyay in ciidanka dowladda ee dhowaan la wareegay magaalada Baladxaawo ay muddo seddax bari ah uga baxaan degmadaas.
Amarka ay soo saareen saraakiishani ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo yar ka hor ciidanka Itoobiya ay weerareen xarumaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Doolow, islamarkaana halkaas ay ka afduubteen askar iyo taliyaal, saldhigyo muhiim ahna ay burburiyeen.
Amarkan ka soo baxay ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa waxaa si kulul uga hadlay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Garbahaarey, balse DFS wax tillaabo ah ma qaadin.