U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo si adag u hadashay arrimaha gobolka Gedo, digniina u dirtay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland 

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo xaaladda gobolka Gedo, ayadoo eedeyn culus u jeedisay siyaasiyiin uu ku jiro madaxmeyne ku xegeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo deegaannadaas ka wada abaabul ciidan.

saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda amnigu ayaa waxaa lagu yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaqdhaqaaqyo qaswadayaal ah oo ay hormuud u yihiin xubno ka amar qaata eedeysane Axmed Madoobe, kuwaas oo wali ku hawlan shirqoollo iyo falal lagu hurinayo colaado cusub oo ka dhaca Gobolka Gedo. Sidoo kale, waxay sii wadaan faafinta warar been abuur ah iyo marin habaabin ujeeddadiisu tahay in lagu qariyo dambiyada ay gacanta kula jiraan.

Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan, oo horey loogu eedeeyay tacaddiyo badan oo ka dhacay Gobolka Gedo. Maalmihii u dambeeyay, Maxamuud waxaa uu ku lug lahaa olole been abuur ah oo uu si khaldan ugu sheegayo xaaladda dhabta ah ee gobolka.

Gobolka Gedo waxaa hadda ku sugan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo muddo 15 sano ah halkaas ka fulinayay waajibaadkooda Qaran, sida uu Dastuurka dalka u xilsaaray. Ciidamadan, oo kaashanaya shacabka deegaanka, waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgalladooda, si ay u sugaan amniga, xasilloonida, una wajahaan la dagaallanka argagixisada iyo kooxaha nabad-diidka ah.

Dowladdu waxay si cad uga digeysaa shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan xiisad abuurka iyo fidinta dacaayadaha, iyadoo ay dowladda ka go’an tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa shacabka iyo maamulka Gobolka Gedo, kuwaas oo muujiyay midnimo, dowlad-jacayl iyo wadaninimo. Dowladda Federaalka ah waxay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee u taagan difaaca dowladnimada iyo midnimada dalka”.

Warsaxaafadeedkani wuxuu muujinayaa go’aanka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay wax ka qabashada hardanka siyaasadeed ee uu wajahayo gobolka Gedo, lama oga waxa xiga ee dhici doona maadaama dhinaca maamulka Jubbaland uu wado is abaabul Ciidan oo ay dib ugu qabsanayaan baladxaawo, Itoobiyaanka aaggaas joogana lagu xanto inaysan arrintan dhexdhaxaad ka ahayn oo Axmed Madoobe ay taageersanyihiin.