U bood dhigaalka

Maxaa hortaagan in si firfircoon looga faa’iidaysto wax soo saarka beeraha dalka?

Beeruhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed, maadaama in ka badan 60% dadka ay ku tiirsan yihiin oo nolol maalmeedkooda ku maareeyaan wax la xariira dalagyadooda, Waxaana ugu badan soo saaridda dalagyada ka soo go’a cuntada, sida badarka, digirta, khudradda iyo miraha, iyo sidoo kale dalagyada ganacsiga sida sisinta, lowska, iyo qudaar dhoofka ah.

Meelaha Wax Soo Saar Beeraha ka Socdo

Inkastoo dhammaan dhulka Soomaaliya uu beeraha ku habboonyahay, haddana hareeraha webiyada Shabeelle iyo Jubba iyo dhulka hawdka ah ayaa ugu waxtar badan dhanka wax soo saarka, halkaas oo biyaha webiyada lagu waraabiyo dalagyada, halka keymuhu ay soo jiitaan roobabka ka badan kuwa dhulka kale ka da’a.

Gobollada Waqooyi Waxaa ka baxa dalagyada abaarta u adkaysta sida galleyda, sisinta, iyo digirta, halka gobollada Xeebuhu ay eax soo saar kalluumaysi iyo mid beereedba leeyihiin, islamarkaana khudaarta iyo miraha soo saara.

Dalagyada ugu waaweyn ee ka baxa beeraha Soomaaliya guud ahaan waxaa ugu caansan: Galleyda, masagada, digirta, bariiska, iyo qudaar kala duwan, sida

Muuska, cambaha, liinta, babaayga, iyo miro nooc walba leh oo ay ku jiraan sisinta iyo lowska oo si weyn dibedda loogu dhoofiyo.

Haddaba haddii ay beeruhu yihiin isha labaad ee uu dhaqaalaha dalku ku tiirsanyahay, islamarkaana Soomaaliya ay leedahay dhul dihan oo dalagyada walba lagu beeri karo maxaa looga faa’iidaysan la’yahay si saboolnimada iyo kaalmada caalamiga ah looga maarmo ?

Xeeldheereyaasha dhaqaalaha iyo hannaanka cuntada sugani markay arrintan falanqeynayaan waxay sabab uga dhigaan dhawr qodob oo isugu jira caqabado farsamo iyo kuwo deegaan, waxaana kamid ah:

Abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada.

Biyo yaraanta xilliyada qalalan.

Dhul beereedka oo qaar ka mid ah oo noqday carro dhac oo uu saameeyay carro-guur.

Adeegyada waraabka oo duugoobay ama aan jirin.

Qalab beereed oo casri ah oo aan la heli karin ama qaali ah.

Farsamooyinka keydinta iyo kaydinta dalagyada oo liita.

Sidoo kale waxaa jira culaysyo dhanka Suuqa ah sida qiimaha suuqa oo is bed beddela, taas oo beeraleyda ka dhigta kuwo aan hubin faa’iidada.

Helitaanka waddooyin iyo gaadiid tayo leh oo xaddidan.

Tartanka badeecadaha la soo dhoofsado oo qiimo jaban leh.

Amaahda beeraha oo aan fududayn

Iyo Colaadaha iyo amni darrada oo xaddida in si joogto ah wax loo beerto.

Xayiraadaha gaadiidka iyo safarka beeraleyda.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo ah dal hodan ah balse aan dadkiisu si feecan kaga faa’iidaysan waxaa haatan la gudboon inay kheyraadkeeda ka faa’iideysto, islamarkaana beeraha iyo kalluumaysiga xoogga la saaro, ayadoo qalabka technology-yada iyo hannaanka wax soo saarka casriga ah lala jaanqaadayo.