Jubbaland oo sheegtay inay diyaar u tahay in xiisadda Baladxaawo wada-hadal lagu dhammeeyo

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaalkii saacado ka hor ka dhacay duleedka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo xiisadda lagu soo afjarayo, ayadoo wada-xaajood la galaya masuuliyiinta gobolkaas ka soo jeeda ee jira DFS.
Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland oo si kulul uga hadlay shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday deegaanka Tuulo amiin ayaa sheegay in ciidanka dagaalamaya laba dhinacba ay yihiin wiilal Soomaaliyeed, asagoo hoosta ka xarriiqay inay samaynayaan dadaal walba oo xiisadda si nabdoon loogu dhammayn karo.
Dhinaca kale Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in ay dunida ku dacawaynayaan dowladda Federaalka oo uu ku eedeeyay inay sharcigii baalmartay, islamarkaana dowlad goboleed dastuuri ah ay wax kama jiraan ka dhigtay, sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee deegaanka Tuulo amiin ayaa sababay waxyeello baaxad leh, waxaana ku dhintay saraakiil badan oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland oo ay taliyaal sare ku jiraan, halka qaar kalena lagu dawaynayo isbitaallada magaalada Mandheera.