Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaatay kaarka codbixinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta isdiiwaangeliyay islamarkaana qaatay kaarka codbixinta doorashada qof iyo cod ee dalka ka socota.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu aaday hanaanka doorashooyinka qof iyo Cod.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka doorashooyinka oo hadda maraya heerka diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxaana ay ku soo beegmaysaa xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah.
Qaadashada kaarka codbixinta ee Madaxweynaha ayaa loo arkaa astaan muujinaysa muhiimadda ka qeybgalka codbixinta iyo dhiirigelinta shacabka Soomaaliyeed in ay doorashadooda ku gutaan si xor ah, iyadoo beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah ay ku celcelinayaan baahida doorashooyin xor iyo xasiloon oo ka madax bannaan faragelin ciidan ama cabsi gelin siyaasadeed.