U bood dhigaalka

Baarlamaanka cusub ee maamulka waqooyi bari oo lagu dhawaaqay 

Xubnaha baarlamaanka cusub ee Maamulka waqooyi bari Soomaaliya ayaa la soo bandhigey, ayadoo xisaabta lagu jaangooyay seddax gobol oo kala ah Sool, Sanaag, iyo Togdheer.

Mudaneyaasha cusub ee la soo bandhigay oo ka kooban 83 xildhibaan ayaa loo kala qoondeeyay 30 kursi oo gobolka sool ah, 37 Sanaag ah, iyo 16 xubnood oo matalaya gobolka Togdheer, gaar ahaan Buuhoodle iyo deegaannada hoostaga.

Liiskan 83-da ah ayaa waxaa qeyb ka ah 4 dumar ah, taas oo muujinaysa in tirada haweenka ka mid noqanaya Baarlamaanka waqooyi bari ay aad u yartahay, inkastoo dhammaan maamul goboleedyada kale aanay wax weyn ka duwanayn.

Maamulka waqooyi bari Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyay Dastuurkiisa oo ay ku cadyihiin deegaannada uu ka taliyo, iyo sida xilalka loo qeybsanayo, dhawaaqidda Baarlamaanka cusubna waxaa xigi doonta doorashada hoggaanka oo si weyn isha loogu wada hayo