U bood dhigaalka

Booliska Ingiriiska oo xiray rag loo haysto dilka Gabar Soomaaliyeed

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka gabar 27-jir ahayd oo lagu dilay bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska, taasoo lagu magacaabi jirey Zahwa Salaax Mukhtaar.

Booliska Ingiriiska ayaa wada baaritaanka dhacdadan oo ay si weyn uga walaacsanyihiin Soomaalida dalkaas ku noole, waxaana Zahwa lagu dilay halka lagu magacaabo Chadwell Heath Lane, Romford, kadib markii la weeraray saacadihii hore ee subaxnimadii Sabtida, sida ay booliisku sheegeen.
Qoyskeeda.

Eheladeedu waxay Zahwa ku tilmaameen inay ahayd qof naxariis badan oo leh akhlaaq wanaagsan, waxayna nolosha ka lahayd himilooyin sare, sida ay sheegeen.

Booliska Metropolitan ayaa sheegay inay xireen afar qof kuwaas oo haatan ku jira xabsiga, waxaana kamid ah
Nin 35-jir ah oo loo haysto inuu caawiyay qof dembiile ah, sida ay booliisku baahiyeen.

Arrintan ayaa daba socota xiritaanka nin kale oo asna 35-jir ah oo loo haysto tuhun dil ah, iyo laba nin oo kale, da’doodu tahay 21 iyo 22 jir, kuwaas oo iyagana loo haysto inay caawiyeen qof dembiile ah.

Raggan ayaa la filayaa inay  maxkamad ka soo hor muuqan doonaan, ayadoo
Geerida murugada leh ee Zahwa ay taabatay qalbiyada dad badan oo ku nool Ingiriiska, gaar ahaan Soomaalida halkaas ku dhaqan.