U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Jabaan oo ka wada-hadlay sare u qaadidda mashaariicda hormarinta

Soomaaliya iyo Jabaan ayaa ka wada-hadlay xoojinta mashaariicda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, xilli masuuliyiin ka socda DFS ay dalkaas ku suganyihiin, islamarkaana ay kulamo la qaadanayaan madaxda Jabaan.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Sheekh Faarax iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalkaas Hodan Cismaan Cabdi ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–AU kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada  Yokohama ee dalkaas, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development – TICAD-9).

kulamada waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, iskaashiga siyaasadeed iyo taageerada horumarineed, ayadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan uu hoosta ka xarriiqay sida ay dalkiisu ugu go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiir Beenebeene ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Jabaan (Japan International Cooperation Agency JICA), Miyazaki Katsura,  iyadoo la isla gartay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta, tababarrada xirfadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay shaqo-abuur dhalinyarada iyo horumar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.

Wasiirka ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Japan–Midowga Afrika, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale, tababarrada xirfadeed iyo maalgashiga bulshada, Guddiga ayaa dhankooda muujiyay taageero iyo diyaar garow lagu adkaynayo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Soomaaliya waxaa uu kulamo kale la yeeshay madax iyo hay’ado caalami ah oo kala duwan, kuwaas oo looga hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta adeegyada bulshada iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta nabadda iyo is-dhexgalka gobolka.

Kulamadan ayaa markhaati u ah sida Soomaaliya ugu go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Japan iyo hay’adaha kale ee horumarinta ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan xaqiijinta yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.