Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo doortay Gudoomiye Baarlamaan

Natiijadii doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa kasoo baxday, waxaana ku guuleystay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw Xasan, oo helay 53 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Xildhibaan Dheeliye uu ka helay 29 cod.
Doorashadan ayaa ahayd mid tartan adag oo xiiso badan, iyadoo xildhibaanadu si buuxda uga qayb galeen codbixinta. Guusha Dr. Aadan ayaa la sheegay in ay door weyn ku lahayd taageerada hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye, halka dhinaca kalena uu taageero ka helayay xildhibaano kale oo miisaan ku leh baarlamaanka.
Inkasta oo doorashadu ay aheyd loolan adag oo xooggan, haddana natiijada ayaa si cad u muujisay kalsoonida aqlabiyadda baarlamaanka ee Dr. Aadan, taas oo u sahashay inuu noqdo guddoomiyaha cusub.
Waxaa la filayaa in hoggaanka cusub uu wajaho hawlo culus oo ay ka mid yihiin mideynta baarlamaanka, dhisidda sharciyo lagama maarmaan u ah maamulka, iyo ka shaqeynta xiriirka dowlad dhexe iyo maamulka Waqooyi Bari.