Donald Trump oo ciidamada Israa’iil ugu baaqay inay qaadaan tillaabo degdeg ah si la haystayaasha loo soo furto

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in xaaladda Gaza ay tahay in si degdeg ah loo soo afjaro, isagoo ku baaqay in ciidamada Israel ay tallaabo degdeg ah qaadaan si ay u soo furtaan dadka la haysto.
Trump wuxuu hadalkiisa ku daray in la haystayaashu ay amni badan heli doonaan haddii ciidamada Israa’iil ay si dhaqso ah u farageliyaan xaaladdooda, isagoo sheegay in aysan dhammaan qoysaska dadka la haystaa ka soo horjeedin fikradda ku aaddan in mar kale Qaso la qabsado.
Wuxuu xusay in Xamaas ay gacanta ku hayso ilaa 20 qof oo la haysto, balse wuxuuu sheegay in tiradaasi aanay dhab ahaan sax u ahayn, maadaama laba kamid ah la haystayaasha laga yaabo in aysan hadda noolayn.
Hadalka Trump ayaa imaanaya xilli xiisadda ka taagan Marinka Gaza ay sii kordhayso, iyadoo weli muran badan uu ka taagan yahay mustaqbalka dhulkaas go’doonsan iyo nolosha dadka la haystayaasha ah ee Xamaas Gacanta ugu jira.