Taariikh nololeedka guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Waqooyi bari Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

Magaalada Laascaanood ayaa maanta loogu doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Doorashadiisu waxay timid xilli lagu jiro dhismaha hay’adaha maamulka cusub ee gobolladaas, taas oo muujinaysa tallaabo muhiim ah oo dhanka sharci-dejinta iyo dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowlad goboleedka ah.
Taariikh Nololeedkiisa oo KoobanDr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadkii 1954-tii, waana aqoonyahan caan ka ah gobolka SSC, isagoo muddo dheer ku dhex jiray arrimaha bulshada iyo siyaasadda, wuxuuna horay xubin uga ahaa golihii wasiirrada SSC-KHAATUMO.
Wuxuu waxbarashada dugsiyada hoose dhexe iyo sare ku qaaday magaalooyinka Laascaanood iyo Burco, asagoo shahaadada heerka koobaad ka qaatay kulliyadda beeraha ee Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, asagoo bartay cilmiga beeraha iyo Sayniska.
Shahaadooyinka master-ka iyo PHD-ga wuxuu ka qaatay Jaamacado ku yaalla dalka Mareykanka, asagoo ka bartay cilmiga dhaqaalaha beeraha.Dr Aadan waa waaya-joog leh aqoon sare iyo khibrad dheer oo dhinaca maamulka iyo sharci-dejinta ah,wuxuuna shahaadada PHD ka qaadatay Jaamacadda columbus state, asagoo bartay cilmiga dhaqaalaha beeraha.
Dhanka waaya-aragnimada shaqo Dr Aadan waa cilmi baari ka soo shaqeeyay hay’ado caalami ah, asagoo taniyo 80-tameeyadii la shaqaynayay ururro iyo hay’ado dalka iyo dunidaba gaar ahaan dalalka soo koraya, ayadoo ay inta badan xaruntiisu ahayd dalka Suuriya.
Shaqooyinka uu gudaha dalka ka soo qabtay waxaa kamid ah mashruucii fidinta beeraha Waqooyi galbeed 1982-1983, Agaasimaha fidinta beeraha gobolka Shabeellaha Hoose 1984-1986-dii, maareeyaha fidinta beeraha Muqdisho 1988-1989-kii, wixii ka dambeeyay 1993-dii ilaa 2017-kiina wuxuu ka shaqaynayay hay’ad fadhigeedu ahaa dalka Suuriya oo ka shaqayn jirtay cilmi baarista beeraha dhulka qalalan.
Himilada iyo AragtiyahaKaddib doorashadiisa, Dr. Aadan wuxuu ballan qaaday inuu: Hoggaankiisa ku saleeyo wada-tashi iyo midnimo,Xoojinta doorka sharci-dejinta ee baarlamaanka,Iyo inuu mudnaanta siiyo danaha shacabka iyo ilaalinta dastuurka maamulka cusub.
Doorashadiisa ayaa loo arkaa guul u soo hoyatay shacabka Waqooyi Bari, iyadoo bulshada deegaanku ay ka filayaan inuu noqdo hoggaamiye mideeya oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo dhismaha hay’ad sharci-dejin oo xooggan.