U bood dhigaalka

Maxaa laga ogyahay safarka Ra’ïisul Wasaare Xamse uu ku tagayo Shiinaha?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta safar rasmi ah ugu baxay dalka Shiinaha, ayadoo socdaalkiisa ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay mid muhiim u ah xoojinta xariirka labada dal.

Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid ka duwan kuwii hore ee madaxda Soomaaliya ku tegi jireen Beijing, maadaama uu ku soo beegmay xilli Shiinaha iyo Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

Shiinaha ayaa dhowaan si cad uga horyimid dhambaalkii Senatorka Mareykan ah ee Ted Cruz uu u diray madaxweyne Donald Trump, kaas oo ku baaqayay in Somaliland la aqoonsado, waxayna Beijing arrintaas u aragtaa halis la mid ah tan Taiwan, taas oo ay u aqoonsan tahay qayb aan ka go’i karin dhulkeeda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in safarka Xamse Cabdi Barre uu horseedo wada-hadallo la xiriira maalgashi iyo kaabayaal dhaqaale, sida dhismaha dekedaha, waddooyinka iyo adeegyada bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajaynaysa in Shiinuhu uu kordhin doono taageeradadhinaca dib u dhiska iyo maalgashiga ee uu siiyo Soomaaliya, ayadoo Beijing ay sanadihii la soo dhaafay si weyn u xoojinaysay saameynteeda istiraatiijiga ah ee geeska Afrika.

Safarkan ayaa loo arkaa mid miisaan culus ku leh diblomaasiyadda Soomaaliya, isaga oo fariin cad u diraya beesha caalamka, ayadoo Shiinuhu uu yahay quwad muhiim ah markii la joogo miisaska dublumaasiyadeed ee caalamiga ah.