U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo lacag ku dhow hal milyan oo doolar ugu deeqday dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen gobolka Awdal

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag ku dhow hal milyan oo doolar ugu deeqday dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen deeganno ka tirsan gobolka Awdal, ayadoo la filayo in deeqdaas dhowaan la gaarsiin doono bulshadii loogu talo-galay.

Deeqdan lacageed oo tiradeedu gaarayso $700000 oo dollar ayay dowladdu ku wareejin doontaa guddiga ku howlan wax ka qabashada abaaraha gobolkaas, ayadoo Soomaaliland ugu baaqday inaan la siyaasadayn gargaarkan bini’aadantinimo ee loogu talo-galay dadka waxyeelladu gaartay.

Gobolka Awdal ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray Abaaro saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada, ayadoo dal iyo dibedba ay is qabsatay qaylo-dhaanta gurmadka ee lagu doonayo wax ka qabashada arrintaas.