Maxay ku heshiiyeen DFS iyo xubnaha ka baxay madasha samata-bixintu ?

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa heshiis hordhaca ka gaaray qaab-dhismeedka siyaasadeed ee mustaqbalka dalka, ka dibna shir jaraa’id oo ay si wadajir ah uga soo muuqdeen masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.
Heshiiskan ayaa lagu qeexay in Madaxweynaha dalka uu doorto Baarlamaanku, halka Ra’iisul Wasaarahana uu magacaabo Madaxweynuhu, baarlamaankuna ay xilka ka xayuubin karaan.Sidoo kale, xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu heshiiyey in lagu soo xulo cod toos ah oo shacabka ay bixiyaan, taas oo ka dhigan tallaabo loo qaaday dhanka hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.
Ra’iisul Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid, oo ka mid ahaa xubnaha ka qaybgalay madasha ayaa sheegay in laysla qaatay Madaxweynaha in Baarlamaanku soo doorto, Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabo, Xildhibaannadana ay shacabka toos u soo doortaan.
Qodabada kale laba dhinac ku heshiiyeen waxaa kamid ah adkaynta midnimada dalka,xoojinta amniga dalka iyo dagaalka Alshabaab in laga wada shaqeeyo, in urur kasta oo hela ugu yaraan boqolkiiba 10 kalsoonida Baarlamaanku uu noqdo xisbi qaran, in doorashada lagu saleeyo xeerkii doorasho ee la soo saaray 2024,in degdeg loo qaban doorashada goleyaasha deegaanka, in la dhammaystiro qodobada dhimna ee Dastuurka, iyo in laga wada-shaqeeyo doorashada.
Heshiiskan ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaari kara in nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya uu yeesho hannaan cad oo awoodaha dowladda lagu kala saaro, isla markaana shacabka fursad u helaan inay si toos ah uga qaybqaataan doorashada hoggaankooda.