U bood dhigaalka

Saadaq Joon oo mar kale loo doortay Xildhibaan

Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), kaas oo dib ugu soo laabtay kursi Xildhibaan ah oo uu horey u hayay.

Kursigan ayaa bannaanaday kadib markii uu iska casilay Xildhibaan Ganacsade Maxamed Cabdi Afweyne, taas oo keentay in dib loo qabto doorasho lagu buuxinayo booskaas.

Saadaq Joon, oo horey uga tagay kursiga markii loo magacaabay Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa mar kale helay fursad uu dib ugu soo noqdo golaha shacabka.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee muujinaya isbeddelka degdegga ah ee siyaasadda gudaha Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay leeyihiin xilalka is-casilaadda iyo dib-u-gelista siyaasiyiinta.