Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiil Turkis ah oo kormeer ku tagey saldhigyo milatari oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, iyo Taliyaha Ciidanka Turkisom, Ganeraal Sebahattin Kalkan, ayaa maanta gaarey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo halkaas ku sameeyay kormeer iyo kulan la xiriira xaaladda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Wafdiga ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanka Number 50, halkaas oo ay ku sugan yihiin guutooyin ka tirsan Xoogga Dalka iyo ciidamada tababarka ku qaata xerada Turkisom.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, loo dardargelin lahaa iskaashiga ciidamada, loona kobcin lahaa awoodda tababar iyo qalab ee ciidanka.
Intii uu socdaalku socday, Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Ganeraal Sebahattin waxay booqdeen goobta laga dhisayo isbitaal cusub oo deegaanka Number 50 ah. Labada taliyeyaal ayaa bogaadiyay mashruuca dhismaha isbitaalka, iyaga oo xusay in uu door weyn ka qaadan doono bixinta adeegyada caafimaad iyo horumarinta nolosha bulshada deegaanka.
Safarka ay ku tageen labada dhinac gobolka Shabeellaha Hoose ayaa loo arkaa mid muujinaya xiriirka dhow ee iskaashi militari iyo mid horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhismaha ciidamo qaran oo tayo leh iyo taageerada adeegyada bulshada.