Taliyaha Sirdoonka Suudaan oo Muqdisho ku yimid safar qarsoodi ah, Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya isbaheysiga Khartuum

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta martigelisay socdaal muhiimad gaar ah xambaarsan oo uu ku yimid Taliyaha Sirdoonka Suudaan, General Axmed Mufaddal. Diyaarad gaar ah oo nooca Dassault Falcon 900 ah, oo ka soo kacday magaalada dekedda leh ee Port Sudan, ayaa ku dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Muqdisho iyo Khartuum.Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Gen. Mufaddal ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Inkasta oo aan la shaacin qodobada rasmiga ah ee laga hadlay, haddana ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in wada-hadalladu xooga saareen iskaashi dhinaca sirdoonka, la dagaalanka kooxaha hubeysan, iyo sidii loo mideyn lahaa mowqifka gobolka ee ku saabsan dagaalka Suudaan ka socda.
Soomaaliya ayaa horey u muujisay taageero muuqata oo ay siiso xukuumadda militariga ee Suudaan, iyada oo si cad uga soo horjeesatay dhaqdhaqaaqa xoogagga RSF ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Daglo “Hemedti”. Go’aankan ayaa muujiyay kala duwanaansho siyaasadeed oo weyn oo u dhexeeya Muqdisho iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taageero muuqata siiyaan RSF.
Kala fogaanshahaasi wuxuu sii adkeeyay xariirka aan fiicnayn ee Soomaaliya iyo Abu Dhabi.Dhanka kale, xiriirka Suudaan iyo Soomaaliya waxaa si cad u xoojinaya Turkiga oo ah xulufada labada dal. Ankara ayaa xiriir istiraatiiji ah oo xooggan la leh Muqdisho, iyadoo ka hirgelisay gudaha Soomaaliya saldhigyo militari oo waaweyn, sida Turksom oo ah xarunta ugu weyn ee lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.
Taasi waxay sare u qaaday doorka Turkiga ee amniga gobolka, isla markaana si toos ah uga dhigaysa xulufada Khartuum iyo Muqdisho mid ka dhan ah saameynta Imaaraadka ee gobolka Geeska Afrika.Diblomaasiyiinta falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa ku doodaya in safarka Gen. Mufaddal uu yahay fariin cad oo siyaasadeed oo ay xukuumadda militariga ee Suudaan u dirtay gobolka, gaar ahaan marka la eego taageerada siyaasadeed iyo militari ee ay ka hesho Soomaaliya iyo Turkiga.
Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in Khartuum ay ku howlan tahay dhisidda isbaheysi cusub oo ka hortaga isku day kasta oo Imaaraadku ku ballaarinayo saameyntiisa gobolka.Sidoo kale, booqashadan waxay imaaneysaa xilli dagaalka gudaha Suudaan uu sii xoogeysanayo, iyadoo kumannaan qof ay ku barakaceen, beesha caalamkuna isku dayeyso inay xal siyaasadeed ku qanciso dhinacyada isku haya.
Soomaaliya iyo Turkiga, oo xiriir dhow la leh Khartuum, ayaa la saadaalinayaa in ay door ka ciyaari doonaan taageeridda mowqifka militariga Suudaan, taas oo sii murjin karta isku dhacyada diblomaasiyadeed ee ka jira gobolka.