U bood dhigaalka

Turkiga oo ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka dirayo Dayax-gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qorshe ay ku diyaarisay dayax-gacmeed, kaas oo lagu wadaa in dhawaan laga rido gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay danjiraha Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dayax-gacmeedkan uu qayb ka yahay dadaalka Ankara ee ku wajahan horumarinta cilmiga hawada sare iyo tiknoolajiyadda isgaarsiinta, isla markaana Soomaaliya loogu dooray saldhig muhiim ah oo lagu fuliyo hawlgalkan.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xiriirka labada dal uu gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo Turkigu uu Soomaaliya ka taageero dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin: ammaanka, dhaqaalaha, caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka ugu horreeya ee Afrika ah oo laga rido dayax-gacmeed uu Turkigu farsameeyay, taas oo loo arko guul weyn oo ku saabsan iskaashiga Ankara iyo Muqdisho, iyo sidoo kale talaabo istiraatiiji ah oo xoojinaysa saamaynta Turkiga ee gobolka Geeska Afrika.