U bood dhigaalka

bilood ka dib ku biiristii golaha ammaanka maxaa iska badelay saamayn dublumaasiyadeed ee Soomaaliya?

In ka badan bilood ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya qeyb ka noqatay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaynasi rasmi ah ugu biirtay xubnaha ku meelgaarka ah ee Golahaas 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan 2025, kadib doorashadii ka dhacday fadhigii guud ee Qaramada Midoobay bishii Juun 2024.

Xubinnimada Golaha Ammaanka ayaa Soomaaliya siisay fursad dhif ah oo ay cod iyo saameyn ugu yeelato go’aamada Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa ku saabsan amniga iyo nabadda.

Muddooyinkii la soo dhaafay Dublumaasiyiinta Soomaaliya ku matala golaha ammaanka ayaa si firfircoon uga qeybqaatay doodaha Golaha, iyagoo kor u qaaday codka dalkooda ee ku aaddan howlgalka nabad-ilaalinta ee gobolka, gaar ahaan taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Dowladdu waxay la sameysay wadashaqeyn dhow dalalka xubnaha ka ah Golaha, gaar ahaan kuwa leh saameyn weyn sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka, si loo hormariyo iskaashiga amni iyo dhaqaale.

Intaa waxaa dheer, xubinnimadu waxay Soomaaliya siisay fursad ay ku soo bandhigto dadaalladeeda ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta nidaamka maamulka, si loo muujiyo in dalka uu ku socdo jidka dib-u-soo kabashada.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka faa’iidaysatay xubinnimada si ay u dhiirrigeliso maalgelinta amniga iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah iyadoo la helayo wada-hadallo dheeraad ah oo beesha caalamka ah.

Xubinnimadan ayaa kordhisay kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan awoodda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo codkeeda laga maqlo go’aanada caalamiga ah loona tixgeliyo mowqifkeeda, inkastoo oo ay jirto xasillooni la’aan siyaasadeed oo gudaha dalka ah, taas oo wax u dhimaysa hor u socadka dowladnimada.

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxay hadda si firfircoon uga qaybqaadaneysaa qorshayaasha nabad-ilaalinta gobolka, taasoo ka dhigtay codkeeda mid muuqda oo la tixgeliyo.

Inkasta oo xubinnimadu tahay guul taariikhi ah, caqabadaha gudaha sida khilaafaadka siyaasadeed, amni xumo, iyo tabar-darrada hay’adaha dowliga ah ayaa weli hortaagan ka faa’iideysiga buuxda ee fursadaha xubinnimada.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa inta badan xoogga saara arrimaha amniga,Taas oo Soomaaliya qudheeda ka dhigaysa mid kamid ah dalalka ugu horreeya ee xallinta dhibaatooyinkooda mar walba laga doodo, taas oo luminaysa fursad la heli lahaa haddii uu dalku nabad yahay.

Illaa hadda, tallaabooyinka Soomaaliya qaaday ayaa muujinaya in dalka uu si firfircoon uga qeybqaadanayo go’aanada caalamiga ah, isku xiraayo xiriirka diblomaasiyadeed, dhiirrigelinayo horumarka gudaha, iyo ka faa’iideysiga maalgelinta caalamiga ah, balse xallinta dhibaatooyinka gudaha ayaa ah halbeegga ugu horreeya ee ay Soomaaliya dunidu ku qeymaynayso, ayadoo taasi indhaha caalamka ka jeedinayso guulaha dublumaasiyadeed ee sida joogtada ah loo gaarayo.