U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Shiikh iyo wefdiga Imaaraadku?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo saacado yar ka hor Madaxwaynaha iyo taliyaha hay’adda Nabad-Sugiddu ay kulan albaabadu u xiran yihiin la qaateen taliyaha sirdoonka Suudaan oo asna safar qarsoodi ah ku yimid dalka, islamarkaana khilaafka u dhexeeya Khartoum iyo Abu Dhabi uu marayo halkii ugu sarreysa.