U bood dhigaalka

Guddoomiye Mungaab oo amar culus dul dhigey shirkadda dhisaysa wadada Soobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa shirkadda dhisaysa wadada Soobe ee magaalada Muqdisho u qabtay muddo 48 saacadood ah inay ku dhammayso shaqada dhismaha waddadaas muhiimka ah.

Jidka Soobe wuxuu ka mid yahay wadooyinka ugu mashquulka badan caasimadda, waxaana si maalinle ah u adeegsada kumanaan gaadiid ah oo isaga kala gudbaya degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada kale sida Shabeellaha Hoose.

Mungaab ayaa sheegay in dib-u-dhaca dhismaha uu saameyn ku yeeshay nolosha shacabka, isaga oo ku adkeeyay shirkadda fulineysa mashruuca inay ka jawaabto ballanqaadyadii hore loo galay, islamarkaana 48 saac ka dib jidkaas la dhammaystiro.

Sidoo kale, wuxuu xusay in maamulka gobolka uusan aqbali doonin wax marmarsiyo ah, isla markaana uu shirkadda ka rabo dhismo tayo iyo damaanad leh oo laysku halayn karo.

Dib-u-habaynta iyo dhismaha wadooyinka Muqdisho, sida jidka Soobe, ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo gacan ka geysan kara horumarinta adeegyada bulshada, dib u soo celinta bilicda caasimadda, iyo kor u qaadista dhaqaalaha magaalada