Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in colaadda Ukraine aysan ka bilaaban dullaankii dalkiisu ku qaaday

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlayay dagaalka Ukraine ayaa sheegay in colaadda dalkaasi aysan ka billaaban duullaankii ay ciidamadiisu dalkaas ku qaadeen sanadkii 2022.
Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku dooday in qalalaasaha ka dhacay dalka Ukraine uusan ka imaanin duullaanka Ruushka, balse uu salka ku hayo afgambigii Kiev ee dhacay sannadkii 2014, kaas oo ay taageereen xulafada reer galbeedka ee Ukraine.
Putin ayaa sheegay in taageerada siyaasadeed iyo midda milatari ee reer galbeedku siiyeen mucaaradkii waqtigaas ay horseedeen in la afgambiyo xukuumaddii talada haysay, taas oo dhalisay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo sii jiitamay, ilaa ugu dambeyntiina uu sababay dagaalka maanta ka socda Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka iyo Midowga Yurub inay ku lug lahaayeen kicinta xiisadda Ukraine, isagoo ku adkeystay in Moscow ay qaaday tallaabooyin difaac oo looga gol lahaa ilaalinta danaha Ruushka iyo dadka ku hadla afka Ruushka ee ku nool bariga Ukraine.
hadalka Putin ay imaanayaan iyadoo dagaalka Ukraine uu weli socda, halka reer galbeedkuna ay ku adkeysanayaan in Ruushku si sharci darro ah u qabsaday dhulka Ukraine, isla markaana uu qaaday duullaan ka dhan ah dowlad madax-bannaan.