Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi ah ku gaaray Serbia

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia, iyagoo ku socdaal rasmi ah oo loogu talagalay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Serbia.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka.
Markii wefdigu gaareen magaalada Belgrade, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Serbia, Mudane Bratislav Gašić, oo muujiyay sida dalkiisu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Soomaaliya.
Inta lagu jiro booqashada, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo rasmi ah la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee Serbia, kuwaas oo lagu gorfeeyn doono xoojinta iskaashiga labada dal. Ajandaha ugu weyn ayaa diiradda saaraya wada-shaqeynta dhanka amniga, difaaca, iyo horumarinta xiriir guud oo istiraatiijiyadeed oo labada dal ay ku wada shaqeyn karaan mustaqbalka.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Serbia, iyadoo la filayo in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidamada, taas oo lagu xoojinayo awoodda dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Booqashadan ayaa loo arkaa mid ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto dhismaha iskaashi caalami ah oo ku saleysan amniga iyo difaaca, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee ah in la xoojiyo xiriirka caalamiga ah si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro argagixisada, isla markaana loo dhiso nabad waarta.