Muhiimadda Wacyigelinta Carruurta ee ku aaddan Daryeelka Xayawaannada Dab-joogta ah

Xayawaannada dab-joogta ah sida eeyaha, bisadaha iyo shimbiraha ayaa kaalin muhiim ah ku leh nolosha aadanaha, iyadoo ay ka qayb qaataan dheelitirka deegaanka iyo abuurista nolol isku dheeli tiran, hase yeeshee, waxaa inta badan dhaca in carruurta qaarkood ay xayawaannadaasi kula dhaqmaan dhibaato, iyagoo ka dhigta madadaalo ama ciyaar, taas oo dhaawac weyn ku ah naxariista bani’aadamka iyo nolosha xayawaanka laftiisa.
Khabiirada tarbiyadda ayaa tilmaamaya in carruurta lagu barbaariyo naxariista xoolaha iyo xayawaannada si ay ugu koraan dad damiir iyo daryeel leh, waxayna intaas ku darayaan in dhaqanka carruurta ee la xiriira xayawaannada uu yahay mid saamayn togan ku yeesha bulshada mustaqbalka, maadaama qofka u naxariista makhluuqaadka yar uu sidoo kale u nugul yahay inuu u naxariisto dadka.
Xuquuqda XayawaannadaXayawaannadu waxay leeyihiin xuquuq asaasi ah oo bani’aadamka looga baahan yahay in la dhowro, Xuquuqahaas waxaa ka mid ah:
1. Xuquuqda nolosha iyo ilaalinta – in aan si xaq-darro ah loo dilin ama loo dhibaateyn.
2. Xuquuqda cunto iyo biyo nadiif ah – in loo helo nafaqo ku filan si ay ugu noolaadaan caafimaad qab.
3. Xuquuqda caafimaadka – in la daweeyo marka ay bukoodaan ama dhaawacmaan.
4. Xuquuqda deegaanka ku habboon – in aysan ku noolaan xaalado cadaadis leh ama meel aan ku habboonayn dabiicigooda.
Xuquuqahan waxaa aqoonsaday hay’ado caalami ah sida Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda Xoolaha (World Animal Protection), waxayna noqdeen xeerar ku qotoma bani’aadantinimada iyo wada-noolaanshaha.
Tusaalaha Islaantii reer Israa’iil
Dhaqanka Islaamka ayaa si weyn uga hadlay naxariista loo hayo xoolaha iyo xayawaannada. Waxaa jirta xadiis caan ah oo ka warramaya haweeney reer Israa’iil ka tirsanayd oo jannada lagu gallay waraabin ay u waraabisay eey oo harraad daran ku jiray.
Nabiga (NNKH) ayaa sheegay in falkaas yar ee naxariista ah uu sababay in Alle dambi dhaaf u sameeyo, una abaal mariyo janno.
Dhacdadan ayaa muujinaysa in xitaa xayawaanka aan hadlin ee daciifka ahi uu leeyahay qiimo weyn oo qofka bani’aadamka ah looga baahan yahay inuu u muujiyo daryeel iyo naxariis.
Si kastaba ha ahaatee Wacyigelinta carruurta ee ku aaddan daryeelka xayawaannada dab-joogta ah waa maalgashi mustaqbal, waxayna ka hortagtaa dhaqammo qalafsan oo mustaqbalka bulshooyinka dhibaato ku keeni kara. Isla markaana, waxay carruurta baraysaa qiyamka Islaamka iyo bani’aadantinimada ee ku dhisan naxariis, daryeel iyo wada-noolaansho.