Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari oo daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka Waqooyi Bari, ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Laascaanood uga daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka qof iyo codka ah.
Xafladda furitaanka waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada maamulka, guddoomiyeyaasha degmooyinka, wakiillo ururrada bulshada rayidka ah, iyo taageerayaal kala duwan oo ku sugnaa magaalada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in diiwaangelintani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo dhanka dimuqraadiyadda ah, isla markaana u gogol xaaraysa in shacabka Waqooyi Bari ay si toos ah codkooda ugu doortaan wakiilladooda.
“Maanta waxaan bilownay geeddi-socod cusub oo shacabka siinaya awood ay mustaqbalkooda ku go’aansadaan, waxaanan ku baaqayaa in dhammaan muwaadiniintu ka faa’iideystaan fursaddan,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Saraakiisha guddiga doorashooyinka ayaa dhankooda ku dhawaaqay in diiwaangelintu ay ka socon doonto dhammaan degmooyinka maamulka, iyagoo ku baaqay in shacabka si nabad ah ugu soo baxaan goobaha diiwaangelinta.
Shacabka Laascaanood ayaa soo dhoweeyay hirgelinta nidaamka qof iyo cod, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee ay helaan fursad ay si toos ah cod ugu dhiibtaan.