Madaxweynaha Puntland oo degmooyin u magacaabay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha laba degmo oo cusub, kuwaas oo kala ah Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol ee gobolka Sanaag, sida ku cad Xeerka uu saxiixay Madaxweyne Deni Lr. 06.
Go’aankan ayaa loo cuskaday dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobkiisa 80-aad, iyo talo soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayadoo sida xeerku dhigayo, degmooyinkan cusub ayaa si rasmi ah uga mid noqonaya nidaamka dowladnimo ee Puntland, waxaana la filayaa inay helaan maamul u gaar ah iyo adeegyo dowladeed.
Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in Madaxweyne Deni uu isku dayayo inuu kordhiyo saamaynta Puntland ee gobolka Sanaag, xilli maamulka cusub ee Waqooyi Bari uu dhowaan ka dhismay magaalada Laascaanood.
Waxaa si gaar ah loo arkaa in dhismaha degmooyinka Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol uu xambaarsan yahay fariin siyaasadeed oo ku wajahan maamulka cusub ee Waqooyi Bari, iyadoo loo fasirayo dadaal uu Deni ku doonayo inuu ku muujiyo in Puntland weli gacanta ku hayso gobolka Sanaag.
Dad ku dhow xisbiga Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya in arrintani tahay adeeg dowladnimo iyo baahi loo qabo horumarinta deegaanadaas, balse dhinacyada ka soo horjeeda waxay ku tilmaamayaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo qorshaysan, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo awoodda Puntland ee gobolka.